Home News in English Migrationsverket oo soo bandhigay tirada Dhalinyarada Sharciga lagu siiyay Waxbarashada.

Migrationsverket oo soo bandhigay tirada Dhalinyarada Sharciga lagu siiyay Waxbarashada.

0

Hay.ada laanta socdaalka Dalka Sweden ayaa soo bandhigtay tirada dhalinyarada Sharciga ku heshay sharci dhawaan uu saxiixay barlamaanka Sweden kaasi oo dhigaya in caruurta kaligood dalka soo gaaray ee waxbarashada ka gaaray heerka sare in la siiyo sharci ku meel gaar ah kaasi oo siinaya fursad ay dalka ku joogaan.

Migrationsverketka oo xisaabisay tirada Sharciga ku heshay sharciga cusub ayaa sheegtay in 5,000 kun oo dhalinyaro ah ay heleen sharciga halka 2,000 kun oo kale ay heleen diidmo madama aysan buuxin sharuudaha looga baahnaa ku dhawaad 5,000 kun oo kale ayaa sugaya jawaabahooda oo maxkamada ka gaaridoonto go.an.

Sharciga oo loo badinayay in ay fursad ku helayaan dhalinyaro badan ayaa noqday mid adag iyadoo qofka hela sharciga uu waxbarashada kadib shaqeesanayo hadii uu doonayo in uu wadanka sii joogo mudo dheer.

Sandkii lasoo dhafaafay gaar ahaan xiliga Deerta ayay aheyd markii uu Barlamaanka ogolaaday sharci dhigaya in fursad la siiyo dhalinyaro badan oo kaligood socod ah kuwaasi oo diidmo ka helay wadanka sweden kadib markii sharciyada la adkeeyay sanadkii 2015.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here