Home News in English Finland oo war cusub kasoo saartay Xaalada Qaxootiga Somali, Iraq iyo Afganistan.

Finland oo war cusub kasoo saartay Xaalada Qaxootiga Somali, Iraq iyo Afganistan.

0

Hay’ada laanta socdaalka Dalka Finland ayaa war cusub kasoo saaray xaalada Qaxootiga Dalalka Afghanistan, Iraq iyo Somalia kuwaasi oo Qaxooti ahaan ugu sugan Dalka Finland mudo dhoor sano ah waxana warka cusub diirada lagu saaray Xaalada ay xiligan ku sugan yihiin wadamadaasi iyadoo warbixinta lagu sheegay in xiligan aan qofna lagu celin karin Dalalkaasi dhibaatada ka jirto.

Somalida Waxaa Warbixinta lagu soo qaatay Koonfura iyo Bartamaha Somaliya.

warbixinta ayaa lagu yiri ma jiro xaalad isbadal ama amaan oo leesku haleen karo Dalka Somaliya tan iyo Bishii June ee Sanadkii hore meelaha dhibaatada ka jirto ayaa lagu sheegay deeganada ay maamulaan kooxda Shabaab iyadoo intaasi lagu daray in aysan jirin calaamad muujineysa in awoodooda la wiiqay iyadoo dhibaatada ugu wadan lagu sheegay dagaalka u dhaxeeya Shabaab iyo Ciidanka Dowlada Somaliya.

Dhanka kale amaan darada ka jirta Somaliya ayaa lagu sheegay in ay sabab u tahay Dagaalada u dhaxeeya Qabaa’ilka kuwaasi oo ka dhacay Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Sanaag iyadoo Hay’ada u dooda Xaquuqda aadanaha ay cadeesay in dhibaato ka jirto Somaliya.

Finland ayaa cadeysay in Qaxootiga ka yimaada Sadaxdan Dal aanan la siin karin Sharci lagu difaacayo Amaankooda lakin hadii dhibaato halis ah ay ka taagan tahay meesha uu asal ahaan kasoo jeeda qofka ayaa lagu sheegay in sharciga la siina karo.

Dalka Afganistan Qeybo kamid ah Gobolada Dalkaasi ayaa dhibaato ka taagan tahay taasi oo keeni karta in qofka aan lagu celin halka Iraq ay wali ka jiraan rabashado lakin Dowlada Finland ayaa sheegtay in Macquul tahay in Qofka dib loogu celiyo Dalkiisa iyadoo la geenayo Gobolada Amaanka ah.

ugu danbeyn Warbixintan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid lixdii bil kadib lasoo daabaco iyadoo Xaalada sadaxdan Dal ee dhibaatada ka jirto lagu soo bandhigayo Waxana Qoraalka Laanta Socdaalka uu ku soo aadayaa iyadoo 4 Sano ilaa 3 sano laga aamusanyahay Qaxootiga Dalkaasi ku nool badankooda kuwaasi oo heesta Diidmo.

Somaliska helsinki

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here