Home Wararka Maanta Tirada Dhimashada ee Shilalka Gawaarida Dalka Sweden oo korortay.

Tirada Dhimashada ee Shilalka Gawaarida Dalka Sweden oo korortay.

0
SKELLEFTEÅ, SVERIGE 20060722 Vraket av personbilen etter ulykken lørdag ved Høkmarksberget 3 mil sør for Skellefteå. En nordmann omkom i ulykken. Foto: Rolf Højer / SCANPIX Vraket efter personbilen från olyckan vid Hökmarksberget 3 mil söder om Skellefteå där en norrman avled under lördagen.

325 qof ayaa noloshooda ku waayey sannadkii la soo dhaafay ee 2018.

Hoggaanka waaxda gaadiidka dalkaas Jonas Bjelfvenstam ayaa ku tilmaamay kororkaan mid murugo leh isagoo dhanka kale rumaysan in ay sabab u yihiin shilalkan arrimo dhowr ah.

– Inta badan sidii hore oo kale waa xawaaraha, ayuu yiri mas’uulkaanoo intaa ku daray in wadeyaasha Sweden aysan tixgelin siin xadka loo dhigay xawaaraha wadista baabuurta (fartsgrenser).

Wuxuu intaa ku daray in sabab kalena ay tahay darawalada oo gaadiidka kaxeeya iyaga oo khamro jirkooda ku jirto, taasoo uu sheegay dadka dalkaasi in ay aad uga xun yihiin.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale farta ku fiiqay in cimiladu ay tahay qodob kale oo sababay in nafaf badan lagu waayo waddooyinka dalkaasi, wuxuuse aanuu meesha ka saarin in waqtiga xagaaga xittaa ay jiraan dad u geeriyooda shilal dhaca, iyadoo bishii julay ay ahayd tan ugu badan ee shilalka dhimashada.

47 qof ayaa u geeriyooday shilal gaadiid taasoo sideed ka badan sannadkii kasii horeeyey, waxaana dadka ku dhintay wadooyinka dalkaasi ka mid ah 20 qof oo watay baaskiil kuwaasoo 13 ay ahaayeen dad da’doodi tahay 65 jir.

33 qofood oo lugaynayey ayaa ka mid ah dadka ku dhintay shilalka sannadkii las oo dhaafay ee 2018 kuwaasoo kala ahaa lix dhalinyaro ah iyo 18 dad da’ ah.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here