Home News in English Migrationsverketka oo diiday Sharci Cusub oo ku Saabsan Qaxootiga imaanaya Dalka Sweden.

Migrationsverketka oo diiday Sharci Cusub oo ku Saabsan Qaxootiga imaanaya Dalka Sweden.

0

Hay.ada Laanta Socdaalka Dalka Sweden ee Migrationsverketka ayaa diiday Sharci Cusub kaasi oo baaritaankiisa uu socday dhawaanahan.

Sharciga la diiday ayaa ku saabsan soo dhaweynta Qaxootiga Dalka Sweden iska dhiibaya ama soo gaaray kuwaasi oo doonaya in ay Magangalyo ka helaan Dalka.

Dadka ku cusub Dalka Waxaa soo dhaweyn u sameeya Kamuunka uu markaasi iska dhibo kaasi oo siiya guri inta uu Sharciga ama go.ankiisaa uu ka helayo.

Sida Sharcigan uu mujinayo ayaa ah in Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverketka ay Qofka dajiso Xaruumo loogu tala galay Qaxootiga isla markana halkaasi uu joogi inta Sharciga uu ka helayo ama Dalkiisa dib looga celinayo.

Sababaha keenay in Sharcigan ay diido Hay.ada laanta Socdaalka ayaa ah in Sharciga uu Quseeyo Sanadkii 2015 oo Dalka Qaxooti badan ay soo gaareen lakin maanta Qaxootiga uu yaryahay sida uu sheegay agaasimaha guud ee wakaaladda socdaalka Mikael Ribbenvik

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here