Home News in English Barlamaanka Sweden oo Saaka Diidmo ugu Codeeyay Ulf Kristersson oo Noqon lahaa...

Barlamaanka Sweden oo Saaka Diidmo ugu Codeeyay Ulf Kristersson oo Noqon lahaa Raisal Wasaaraha Dalka.

0

Waxay Aheyd Saadaal horay loo ogaa in Hogaamiyaha Xisbiga Moderateka uu diidmo ka helayo Barlamaanka Dalka Madama labo kamid ah Garuubkisa ay kasoo horjeesteen.

Ku dhawaad 154 ayaa ugu codeeyay Haa Halka 195 Xildhibaan ay diidmo ugu codeyeen taasi oo ka dhagin in uu ku fashilmo Qorshihiisa Dowlada Cusub iyo Noqoshada Raisal wasaaraha Dalka.

Markii Doorashada dhacday kadib ayuu la hadlay warbaahinta isagoo sheegay in Fursad qaali ah ay lumiyeen taasi oo lagu xalin lahaa dhibaatada taagan.

Waxa uu dhanka kale ka hadlay Diidmada ka timid Labada Xisbi ee C iyo L isagoo sheegay i ay ka warhayeen go.ankooda.

Natiijada Cod bixinta waxaa ku dhawaaqay Afayeenka Barlamaanka isagoo shaaca ka qaaday in loo gudbayo wada hadal kale oo Dowlad lagu soo dhisayo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here