Home Wararka Maanta Iskuulada Sare oo lagu ganaaxayo 10,000 kun oo Kr Hadii ardayda Sigaar...

Iskuulada Sare oo lagu ganaaxayo 10,000 kun oo Kr Hadii ardayda Sigaar ku dhex Cabaan.

0

Sharciga ugu adkaa ayaa ka bilaabanaya Kamuunka SkellefteƄ kaasi oo ku aadan iskuulada sare ee Magaalada.

Sharciga ayaa dhigaya in Lagu ganaaxo lacag dhan 10,000 kun oo kr hadii arday ay sigaar ku dhex cabaan iskuulka dhexdiisa.

Maamulka Degmada ayaana lacagtaasi ku ganaaxaya iskuulka sida sharciga uu dhigayo hase yeeshee maamulka iskuulka ayaa arintaasi kasoo horjeestay.

Maamulaha Dugsiga sare ee SkellefteƄ Erik Burstrand ayaa sheegaya in sharciga uu yahay mid adag madama aysan xakameyn karin ardayda.

Waxa uu sheegay in iskuulada Dhexe iyo kuwa hoose la xakameyn karo lakin Dugsiga sare ay adagtahay in la xakameeyo.

Somalika Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here