Home Wararka Maanta War Hada Ah Stefan Löfven oo ku dhawaaqay in uusan Dowlad...

War Hada Ah Stefan Löfven oo ku dhawaaqay in uusan Dowlad Cusub Soo dhisi karin.

0

Raisal wasaarihii hore ee Sweden Stefan Löfven ayaa maanta gudbiyay natiijada ugu soo baxday mudo labo isbuuc ah oo lasiiyay Xisbigiisa si uu dowlad cusub u soo dhiso.

Stefan Löfven oo kulan la qaatay afayeenka Barlamaanka Sweden ayaa kulanka kadib waxa uu qabtay shir jaraa.id uu kaga hadlay isku daygiisa Dowlada Cusub.

” Majiro Wado aan ku soo dhisi karo Dowlad Cusub taasi oo Barlamaanka ka heesatay kalsooni” ayuu yiri Stefan Löfven oo qabtay Shir jaraa.id.

ugu danbeyn ayuu ku celiyay in Xisbigiisa uu doonaya in laga gudbo isbaheysiga Xisbiyada isla markana la dhisto dowlad wada jir ah oo xisbi walbo ku jiro lakin taasi ayuu sheegay in xiligan diyaar loo aheyn.

Afayeenka Barlamaanka Ayaa laga filayaa tilaabada xigta ee lagu soo dhisi karo dowlada cusub madama labada xisbi ee ugu weyn ay ku fashilmeen dhismaha dowlad cusub.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here