Home Wararka Maanta Hogaamiyaasha kala ah Stefan Löfven iyo Ulf Kristersson oo saaka yeeshay kulan...

Hogaamiyaasha kala ah Stefan Löfven iyo Ulf Kristersson oo saaka yeeshay kulan gaar ah.

0

Sida uu xaqiijiyay Warbaahinta SVT Hogaamiyaasha Xisbiyada S iyo M ayaa saaka yeeshay kulan gaar ah.

Ulf Kristersson ayaa hogaamiyaha Xisbiga Moderateka ayaa kulankaasi u xaqiijiyay Warbaahinta SVT.

Sida SVT ku waramayo Ulf Kristersson ayaa ka gaabsaday waxyaabaha looga hadlay kulankaasi iyo hadii uu ku soo dhamaaday guul iyo isfahan.

Waa kulankii ugu danbeeyay ee Stefan la sameeyo Xisbiyada garabka Alliansen madama dhawaan uu kulamo kale la sameeyay Xisbiyada kala ah C iyo L kuwaasi oo kasoo horjeestay qorsho uu waday Stefan Löfven.

Maalinta Jimcada ayaa lagu wadaa in Stefan la kulmo afayeenka Barlamaanka isagoo kala hadlidoona iskudaygiisa Dowlada Cusub hadii uu ku guuleestay iyo hadii kale iyadoo intaasi kadib afayeenka uu la kulmidoono dhaman hogaamiyaasha Xisbiyada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here