Home Wararka Maanta Stefan Löfven oo ka hadlay dilka loo geestay Jamal Khashoggi oo Sacuudiga...

Stefan Löfven oo ka hadlay dilka loo geestay Jamal Khashoggi oo Sacuudiga u dhashay.

0

Stefan Löfven ayaa ka hadlay dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dilay wadanka turkiga kaasi oo caalamka laga hadal hayo dilkiisa.

Stefan ayaa sheegay in waxa dhacay ay yihiin arin dhib badan isla markana naxdin leh dhanka kale ayuu ku sheegay in Sweden ahaan doonayaan baaritaan dhab ah iyo in miiska lasoo saaro xaqiiqda jirta.

Hogaamiyaha Xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt ayaa dalbaday in Sweden joojiso guud ahaan hubka ay u dhoofiso wadanka Sacuudiga Carabiya.

Hadalka masuuliyinta ayaa ku soo aaday xili maanta Madaxweynaha Wadanka Turkiga Erdogan uu sheegay in Dilka Jamal uu ahaa mid lasoo qorsheeyay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here