Home News in English Xisbiyada Centerpartiet och Liberalerna oo diiday taageerida Dowlada uu soo dhisayo Stefan...

Xisbiyada Centerpartiet och Liberalerna oo diiday taageerida Dowlada uu soo dhisayo Stefan Lövfen.

0

Hogaamiyaha Xisbiga S Stefan Löfven oo la siiyay mudo labo isbuuc ah in uu ku soo dhiso dowlada kalsooni ka heesata Barlamaanka ayaa u muuqda mid la kulmaya dhibaato xoogan.

Xisbiyada Centerpartiet och Liberalerna ayaa shaaca ka qaaday in ay (Nej) dhihidoonaan dowlada uu soo dhisayo Stefan Löfven hadii Barlamaanka lasoo hordhigo.

labada hogaamiyaha ee Xisbiyadaasi Annie Lööf iyo Liberal Jan Björklund ayaa doonaya in Ulf Kristersson uu noqdo Raisal wasaaraha Cusub ee Sweden lakin waxay isku raacsanyihiin in uu badalo Qorshihiisa u danbeeyay.

Xisbiga Centerpartiet ayaa ugu baaqay Stefan Löfven in uusan labo isbuuc waqtiga ku lumin isla markana soo dhameeyo sahmintiisa.

Haweneyda hogaamineysa Xisbigaasi Annie Lööf ayaa intaasi ku dartay in Xisbigeeda ay diididoonto hadii casuumaad uga timaado Xisbiga Socialdemokraterna.

Hadalka labada Xisbi ayaa u muuqda mid sii adkeneysa Qorshaha lagu soo dhisi lahaa Dowlada Cusub ee Sweden iyo Qofka noqoqnaya Raisal wasaaraha Dalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here