Home Wararka Maanta Xaaska Raisal Wasaarihii lagu toogtay Bartamaha Stockholm Lisbeth Palme oo geeriyootay.

Xaaska Raisal Wasaarihii lagu toogtay Bartamaha Stockholm Lisbeth Palme oo geeriyootay.

0

Xaaska Raisal wasaarihii hore ee Sweden Olof Palme ayaa u geeriyootay xanuun ay qabtay sida laga soo xigtay qoyska Haweeneydaasi.

Lisbeth Palme ayaa Xaas u aheyn Raisal wasaare Olof Palme oo lagu toogtay Bartamaha Caasimada Sweden Sanadkii 1986.

Waxay kamid Aheyd Dad faro ku tiris ah oo goobjoog u ahaa markii la tooganayay ninkeeda oo ahaa Raisal wasaaraha Dalka falkaasi oo ka dhacay bartamaha caasimada Stockholm.

Raisal Wasaare Stefan Löfven ayaa sheegay in ay tahay Naxdin weyn in uu maqlo geerida Lisbeth Palme oo 87 sano jir aheyn.

Lisbeth Palme ayaa kasoo shaqeysay Xaruumo dhoor ah sida xaruunta Qaramada Midoobe qeybteeda Sweden ee UNICEF.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here