Home News in English Migrationsverket oo diidmo siisay ku dhawaad 1401 qof oo xareestay Sharciga lagu...

Migrationsverket oo diidmo siisay ku dhawaad 1401 qof oo xareestay Sharciga lagu helayo Skoolka Sare ee (gymnasiumka).

0

Hay.ada Laanta Socdaalka Sweden ee migrationsverket ayaa diidmo siisay ku dhawaad 1401 kun oo qof kuwaasi oo xareestay codsi ku aadan sharciga lagu helayo waxbarashada dugsiga sare ee (gymnasium).

Dadka la siisay Diidmada ayaana buuxin sharuudaha looga baahnaa si ay u helaan Sharciga dalka ee ku meelgaarka kaasi oo dhawaan loo ogolaaday.

Waxaa Codsiga Xareestay ku dhawaad 12,000 kun oo qof ilaa 287 qof ayaa helay sharciga kuwaasi oo buuxiyay sharuudaha halka 1401 ay diidmo heleen.

Sabaha ugu badan ee dadkaasi diidmada lagu siiyay ayaa lagu sheegay in aysan dalka iska dhiiban kahor 24 Novemver sanadkii 2015 lakin ay kadib Dalka iska dhiibeen.

Johanna Lindblad Ó Duinnin oo ah Qabiir dhanka Sharciyada oo ka tirsan Laanta Socaalka Sweden ayaa aamisan in Kumaam kamid ah dadkaasi xareestay sharciga ay helayaan Sharcigooda.

Bishii Semtemper aan soo dhaafnay ayaa Maxkamada ugu sareesa ee Laanta Socaalka waxay ogolaatay in Sharciga la xareesan karo kadib markii hore hakad loogu sameeyay madama labo maxkamadood ay diideen kana soo horjeestay sharcigaasi oo Barlamaanka Ansixiyay bishii July.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here