Home Wararka Maanta Mareykanka Meydadka Gabdho Somali ah oo laga helay Goob Hara oo ay...

Mareykanka Meydadka Gabdho Somali ah oo laga helay Goob Hara oo ay ku dhaceen.

0

Meydadka labo gabdhood oo Soomaali ah oo la la’aa tan iyo maalintii Jimcaha ayaa laga helay haro kutaala magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Gabdhahan Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabayay Zeynab Cabdalla iyo Xafso Cabdi ayaa ahaa qaraabo, waxaana gaari ay wateen uu ku dhacay haro halkaas oo markii dambe meydkooda laga helay.

Ciidamada booliiska ayaa wada baaritaano ku aadan sida uu ku dhacay shilka ay gabdhahan ku dhinteen, lamana oga in gabdhahan Soomaaliyeed la dhibaateeyay iyo in ay shil caadi ah ku dhinteen.

Xamza Warfaa oo qaraabo la ahaa gabdhahan meydkooda la helay ayaa sheegay in xiliga la waayay ay ka yimaadeen goob shaqo, waxa uuna xusay in ay ahaayeen gabdho 19-sano jiro ah oo ka baxay dugsiga sare.

Booliiska iyo ehelada gabdhahan ayaa baadi goob ku jiray tan iyo habeenkii jimcaha oo la waayay, waxaana ugu dambeyn gabdhahan iyaga oo meyd ah laga helay haro kutaala duleedka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota .

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here