Home News in English Xisbiyada Centerpartiet och Liberalerna oo si Rasmi ah uga soo horjeestay Qorshaha...

Xisbiyada Centerpartiet och Liberalerna oo si Rasmi ah uga soo horjeestay Qorshaha Xisbiga Moderateka uu soo bandhigay.

1

kadib shir jaraa.id oo ay qabteen labada xisbi ee kala ah Centerpartiet och Liberalerna ayay si rasmi ah kaga soo horjeesteen Qorsho uu dhawaan bartiisa Facebook ku soo bandhigay Hogaamiyaha Xisbiga Moderateka Ulf Kristersson.

Ulf Ayaa soo bandhigay labo qorsho oo lagu soo dhisayo dowlad ay hogaaminayaan Xisbiyada isbaheestay ee Alliansen kaasi uu ugu yeeray 3-2-1 oo keeni karta in labo kamid ah afarta xisbi ee ku jira Alliansen in aysan dowlada kamid noqon karin.

Hogaamiyaha Xisbiga C Annie Lööf iyo dhigeeda L Jan Björklund ayaa sheegay in ay codkooda ku dhibaandoonaan ( Nej ) hadii dowlad ka kooban M ama M+KD loo soo bandhigo Golaha Barlmaanaka.

Annie Lööf ayaa dhanka kale waxay sheegtay in ay Qoraal u dirtay Ulf Kristersson taasi oo ku aadan hadii Barlamaanka la horkeeno ay u codentooda Maya.

Björklund oo ka socda L ayaa shirkiisa jaraa.id ku sheegay in Fakarkiisu uu yahay Dowlada ka kooban Alliancen iyo Xisbiga S ama in ay isticmaalaan Qaabka Dalka Germalka oo ah dowlad ka kooban M iyo S ama fakarka 3 aad oo ah Alliancen iyo MP oo xulafo ah.

Hogaamiyaasha Fakarka ka dhiibtay.

hogaamiyaha Xisbiga Kristdemokraterna Ebba Busch Thor ayaa shirkeeda jaraa.id ku sheegtay in ay ka niyad jabtay kana murugootay talaabada ay ku keceen labo kamid ah Xisbiyada ay wada shaqeeyaan.

Ulf Kristersson oo hogaamiyaha Moderateka ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in labada xisbi lasoo xiriireen una sheegeen Diidmadooda isagoo yiri. ”Waan ka xumray”

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here