Home News in English Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraternas Jimmie Åkesson oo Sharuud ku xiray Taageerida Moderatka.

Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraternas Jimmie Åkesson oo Sharuud ku xiray Taageerida Moderatka.

0

Dhismaha Dowlada Cusub iyo Xisbiga hogaaminaya Dalka ayaa wali dhibaato ka taagan tahay kadib markii Hogaamiyaha Xisbiga M uu shaaciyay in uu ka quustay taageero uu ka helo xisbiga Socaildemokraterna.

Tilaabada kale ee u furan Hogaamiyaha Xisbiga Moderatka Ulf Kristersson ayaa ah in uu taageero ka helo Xisbiga Cunsuriga ee Sverigedemokraterna si uu u soo dhiso dowlada Cusub.

Hogaamiyaha Xisbiga SD Jimmie Åkesson ayaa ka hadlay arinta cakiran iyo sida loogu baahanyahay xisbigiisa madama dhanka kale uu soo xirmay-

Jimmie Åkesson ayaa sheegay in uusan xiligan ku fakareen taageerida dowlad yar oo ka kooban M iyo CD iyadoo damaanad loo qaadin Xisbigiisa.

Waxa uu sheegay in aysan macno laheyn in miiska la fadhiisto ama Dowlada laga siiyo Boos lakin waxa uu muhiimada ku tilmaamay in Dowlada Cusub loo jiheeyo dhinaca saxda ah.

Xisbiga ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad 1.1 million ay doorteen isla markana doonayaan in danahooda laga arko xukuumada cusub.

Hadalka Jimmie Åkesson ayaa sii adkeeneysa Siyaasada dalka iyadoo aan la ogeen cida sida rasmiga ah u noqon karta Raisal wasaaraha Sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here