Home News in English Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson oo ku fashilmay dhismaha Dowlad Alliancen ah.

Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson oo ku fashilmay dhismaha Dowlad Alliancen ah.

0

Mudo labo isbuuc ah ayuu qabsaday Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna si uu u soo dhiso dowlad cusub oo hogaaminayaan garabka Alliancen.

isku dayga xisbiga ayaa u muuqda mid lagu guul dareestay kadib markii xisbiga Socialdemokraterna uu diiday in uu taageero Dowlad ka imaaneysa Garabka Alliancen.

Guuldarada ayaa ka dhigan in Xisbiyada ku jira Garabka Alliancen in ay raadiyaan Taageero kale oo ka imaaneysa Xisbiga Sverigedemokraterna si ay Dowlada u soo dhisaan.

Labada Xisbi ee kala ah Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa dhanka kale kasoo horjeestay in la dhiso dowlad taageero ka heleysa Sverigedemokraterna taasi oo u muuqata mid xaalada sii adkeneysa.

Wixii ku soo kordha lasoco Go.anka ay qaataan Xisbiyada ku jira Alliancen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here