Home Wararka Maanta Feeraryahanka Conor McGregor oo laga mamnuucay Ciyaaraha Xili uu codsaday Dagaal Celis...

Feeraryahanka Conor McGregor oo laga mamnuucay Ciyaaraha Xili uu codsaday Dagaal Celis ah.

0

Xiriirka maamula ciyaaraha legdinta iyo feedhka isku jira ee UFC ayaa soo saaray ganaax ay ciyaaraha kaga joojiyeen feedhyahanka Ingiriiska ee McGregor kaddib aflagaadadii uu u geystay Diinta Islaamka.

McGregor ayaa Jimcihii aflagaadeeyey Diinta Islaamka ka hor intii aanu Sabtidii la ciyaarin feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov, waxaana uu kala kulmay guul-darro kaddib markii uu Khabib si layaab leh ugu garaacay wareeggii afraad.

Inkasta oo Khabib oo ka cadhaysan aflagaadii uu Diinta Islaamka u geystay McGregor iyo saaxiibkii Dillon Danis uu sameeyey dagaal ka baxsan anshaxa markii uu guusha helay, haddana laguma ridin wax ganaax ah.

Madaxweynaha xidhiidhka UFC, Dana White oo warbaahhinta la hadlay ayaa sheegay in muddo bil ah aanu garoomada soo geli karin Conor McGregor, isla markaana ay xayiraaddiisu kasii badan karto, sababtoo ah dhaawacyo kasoo gaadhay ciyaartii lagu karbaashay ee Khabib Nurmagomedov uu ku silciyey garoonka T-Mobile Arena gudihiisa, halkaas oo dhawr jeer dhulka loogu tuuray ka hor intii aan si rasmi ah dhulka loogu dhiganin ee aanu gargaar degdeg ah ka dalbanin garsoorihii ciyaarta.

Dana White waxa uu tibaaxay in ciyaaraha UFC ay yihiin kuwa ugu sharciga adag dhamaan ciyaaraha kala duwan eee dunida, sidaas darteedna si loo ilaaliyo fayo-qabka ciyaartoyga ay tahay inuu dhakhtar usoo ogolaado inuu mar kale ciyaaro, illaa taas laga helayana uu McGregor dibedda ka ahaan doono garoomada.

Inkasta oo dhakhaatiirtu ay kasoo talo-bixin doonaan xilliga ay suurtogalka tahay inuu ciyaari karo, ayaa waxa si rasmi ah xidhiidhka UFC uu u diiday in gebi ahaanba aan loo ogolaan doonin muddo ku dhow bil oo ah illaa November 06, 2018.

War-saxaafadeed kooban oo xidhiidhka UFC uu soo saaray ayaa waxa lagu yidhi: “Conor McGregor, waxa laga joojiyey ciyaaraha illaa laga gaadhayo 6/11/18, mana samayn karo dhaqdhaqaaq ciyaareed laga bilaabo 28/10/18.”

Ninkan ku gefay diinta Islaamka ayaa inkasta oo la ganaaxay waxa uu dalbaday in ciyaar labaad loogu celiyo Khabib, hase yeeshee lama oga in ogolaansho laga heli doono feedhyahanka Muslimka ah ee sida weyn ay dadkiisa Ruushku ugu dabbaal-dageen ee Khabib Nurmagomedov.

Maalintii Jimcihii ayaa McGregor iyo Khabib ay warbaahinta hor yimaaddeen, waxaana halkaas ka dhacay hadallo cunsurinimo ah oo uu McGregor ku duray Khabib iyo diintiisa, isaga oo tababarihiisana ku tilmaamay Muslim argagixiso ah, hase yeeshee, Khabib ayaa ugu jawaabay kelmad kooban oo ahayd: “Waa inoo garoonka.”, taas oo uu kaga dhabeeyey, guushana kaga qaatay.

Laakiin markii uu Khabib si layaableh isla wareegii afraad ugu garaacay guuldaraystaha Conor McGregor ayuu dagaal fowdo ahi meesha ka qarxay wuxuuna McGregor bartiisa twitterka ku soo qoray: “Kulankii waanu guuldaraysanay laakiin dagaalka ayaanu guulaysanay, dagaalku wuu soconayaa”.

Khabib oo afartii wareeg ee ay Conor McGregor dagaalameen si buuxda u gacan sareeyay ayaa muujiyay sida uu uga awood badnaa ninkan diinta ku gafay ee Conor McGregor waxaana la dareensan yahay in cadhadii uu difaacada diintiisa islaamka u hayay ay ku sii dhiiro galisay in uu Conor McGregor neefta ku celiyay isla markaana loo baryay in uu siidaayo.

Khabib ayaa markii uu guuleystay waxa khadka telefoonka kula soo hadlay madaxweynaha Ruushka, Putin oo u hambalyeeyey, magaalooyinka Ruushka qaarkoodna waxa ka dhacay dabbaal-degyo ay dad badan iskugu soo baxeen.

Si kastaba ha ahaatee, Khabib ayaa erayo uu islaamka ku difaacayo si xarago leh u sheegay isaga oo waliba ilaahay uga mahad celiyay in uu dagaalka kaga guulaystay ninka diintiisa iyo cunsurinimada kula sii kacay intii aanu dagaalku bilaamin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here