Home Wararka Maanta Faafaahin Qof Tooray lagu Dilay Xaafada Rosengård ee Caasimada Malmö.

Faafaahin Qof Tooray lagu Dilay Xaafada Rosengård ee Caasimada Malmö.

0

Weerar loo adeegsaday Mindi ama Toorey ayaa ka dhacay Xaafada Rosengård ee ku taalla caasimada Sadaxaad ee Wadanka sweden ee Malmö.

Weerarka ayaa ka dhacay Moolka Rosengård ee laga adeegto shalay oo talaado ah waxana qofka lagu dhaawacay tooreyda uu u dhintay dhaawaca soo gaaray kahor inta aysan soo gaarin Ambluska.

Afyeeenka Booliska Malmö Stephan Söderholm ayaa sheegay in la qabtay qof looga shakisan yahay dhibaatada halkaasi ka dhacday kaasi oo gacanta lagu hayo.

Marka laga soo tago wararka ay qoreen warbaahinta Sweden ayaa geesta kale Warar Somaliska Heshay waxay sheegayaan in labada qof ay ahaayeen Somali midka la dilay iyo kan wax dilay.

Somaliska Malmö

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here