Home News in English Ulf Kristersson oo Maanta la kulmaya Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén.

Ulf Kristersson oo Maanta la kulmaya Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén.

0

Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa maanta la kulmaya Afayeenka Barlamaanka Sweden kulankaasi oo dhacaya galabta.

Ulf Kristersson ayaa heesta mudo labo isbuuc ah waxana hada la dhaafay isbuuc isagoo isbuuca danbe diyaar u noqondoono dhismaha dowlada cusub.

kulanka ayaa la filayaa in Ulf Kristersson uu sharaxaad ka bixiyo halka uu u marayo qorshaha uu ku soo dhisayo dowlada cusub oo taageero ka heleysa S.

Moderaterna ayaa wali ku adkeesanaya in garabka Alliancen ay soo dhisaan dowlada cusub iyagoo taagero ka helaya dhanka Socialdemokraterna.

Kristdemokraterna oo ka tirsan Garabka Alliancen ayaa soo jeediyay in taageero laga helo xisbiga Cunsuriga ee Sverigedemokraterna lakin xisiyada kale ayaa kasoo horjeestay.

13-ka Bishan Oktober ayaa la filayaa in uu dhaco kulankii u danbeeyay ee u dhaxeeya Ulf Kristersson iyo Afayeenka Barlamaanka iyadoo lagu shaacindoono in lagu guuleestay dhismaha dowlada iyo in kale.

Hadii uu Moderatka uu ku fashilmo dhismaha Dowlada Cusub waxaa isku dayidoono xisbi kale sida sharciga dhigayo Taasi oo fursad weyn siineysa Socaildemokraterna.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here