Home Wararka Denmark Denis Mukwege iyo Nadia Murad oo ku guuleestay abaalmarinta Nopel Peace Priz.

Denis Mukwege iyo Nadia Murad oo ku guuleestay abaalmarinta Nopel Peace Priz.

0

Guddiga Abaalmarinta Nobelka (Nopel Peace Prize) ayaa maanta magaalada Oslo ee dalka Norwa uga dhawaaqey in dhahtarka la yiraahdo Denis Mukwege iyo gabadha la yiraahdo Nadia Murad ay sanadka muteysteen abaal marinta nabadda ee Nopel-ka. Labadan qof ayaa ku muteystey abaal marinta sida ay ugu dhaq-dhaqaaqaan in la joojiyo galmada cunfiga iyo kufsiga ku dhisan, isla markaana u gacan qabteen haweenka dhibbanaha ah galmada aysan kufsiga iyo cunfiga ku timid.

Dr. Denis Mukwege ayaa ah dhakhtarka haweenka waxaana uu u dhashey dalka Kongo, waxaana uu haween badan ka caawiyey dhibaato badan oo dhanka galmada ka soo gaartey, Dalka Kongo Kinhasa ayaa lagu tilmaama dalka ugu badan caalamka ee ay ka dhacaan kufsigu.

Nadia Murad ayaa u dhalatey dalka Ciraaq waxaana ay ka soo jeedaa qaymiyadda Yasidiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq, waxay kamid ahayd gabdhihii ay qafaasheen Malayshiyaadkii Daacish, Nadiya ayey u suurta gashey in ay ka baxsato Daacish, waxaana ay hadda tahay Ambasador ka tirsan Qaramada Midoobey oo u dhaq-dhaqaaqda ka hortaga galmada cunfiga iyo kufsiga ah.

Horey waxaa loo hadal hayey in sanadkan Abaalmarinta nabaddu ay aadeyso dhanka gacanka Kuuriyadda oo aad isugu soo dhawaadey, Trump yaa sheegta libinta isu soo dhawaanshaha labada Kuuriyo taas ma dhicin.

Abaal marinta Nobel peace prize ayaa sanadkasta la baxshaa taariikhdu markey tahay 10 December, taas oo ku beegan dhimashadii Alfred Nobel’s sanadkii 1896 ee lagu xuso abaalmarintan taas oo ahayd dar-daarankiisi, magaalada Oslo dalka Norway waxaa lagu bixiyaa midda nabadda, halka caasimadda Sweden lagu bixiyo abaal-marinta, Caafimaadka, Suugaanta, Kimisteriga iyo Fisigska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here