Home News in English Stefan Löfven iyo Hogaamiyaha Moderateka Ulf Kristersson oo yeeshay Kulan gaar ah.

Stefan Löfven iyo Hogaamiyaha Moderateka Ulf Kristersson oo yeeshay Kulan gaar ah.

0

Tan iyo doorashada Sweden oo dhoor isbuuc laga joogo waxaa markii ugu horeesay kulmay labada hogaamiye ee kala ah Socialdemokratarna iyo moderateka.

kulanka kadib labada masuul ayaa ka gaabsaday in ay warbaahinta ugu warbixiyaan waxyaabaha kulanka ugu hadleen iyo heshiiska gaareen.

Warbaahinta ayaa kulanka kadib shaaciyay in heshiis laga gaarin kulanka madama labada masuul ay ka gaabsadeen in warbaahinta la hadlaan.

dhanka kale Xisbiyada isbaheestay gaar ahaan kuwa Alliancen oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in xisbiyadooda ay doonayaan sidii loo dhisi lahaa dowlada uu raisal wasaare u yahay Ulf Kristersson.

Dhismaha Dowlada Sweden iyo cida hogaamineysa ayaa wali waxaa ka taagan khilaaf xoogan iyadoo wali xisbi walbo uu doonayo in uu soo dhiso dowlada cusub.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here