Home Wararka Maanta Qaxooti Somalia ah oo kasoo tagay Dalka Mareykanka oo gaaray Canada.

Qaxooti Somalia ah oo kasoo tagay Dalka Mareykanka oo gaaray Canada.

0

Dalka Kanada waxaa sanadihi la soo dhaafay galay muhaajiriin badan oo ka qaxay dalka Maraykanka, ka dib marki maamulka madaxweyne Donald Trump uu adkeeyay sharciyadda dadka soogalootiga ah, sidoo kalena uu ballanqaaday in la masaafurinayo dadka sida sharci-darrada ah ku jooga Maraykanka.

Haddaba dadka Maraykanka ka cararay ee Kanada tahriibka ku galay waxaa ka mid ah Soomaali, kuwaasi oo magangelyo weydiistay dowladda Kanada.

Hayeeshee qaar ka mid ah dadkaasi ayaa waxa ay sheegeen in markii la doortay Donal Trump inay Soomaalida cabsi soo wajahday,isla markaana ay u carareen dalka Canada.

Waxa ay sheegeen in Sharciga Mareykanka ay mudo dhowr sano ah sugayeen,qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasna lasoo musaafuriyey ay keentay in dalkaasi ka soo baxaan.

Tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka uu mamnuucay inay dalka Mareykanka galaan 7 dal oo ay Soomaaliya ku jirto,waxaana dhawaan DFS ay dalbatay in dadka Soomaaliyeed laga qaado xayiraado dhinaca socdaalka ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here