Home News in English Stefan Löfven oo ka hadlay Kalsoonida Barlamaanka ee uu waayay iyo Dhismaha...

Stefan Löfven oo ka hadlay Kalsoonida Barlamaanka ee uu waayay iyo Dhismaha dowalda Cusub.

0

Raisal wasaaraha Dowlada Sweden Stefan Löfven ayaa codka kalsoonida Barlamaanka ka waayay Xubnaha Barlamaanka taasi oo horay loo saadaaliyay.

Stefan Löfven ayaa kulanka Barlamaanka kadib qabtay shir jaraa.id waxana uu ka hadlay sida uu u arko kalsoonida laga ceshatay.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayay in ay dhaceyso arintaasi lakin waxa uu digniin u jeediyay Xisbiyada isbaheystay ee Alliancen kwuaasi oo doonaya in ay dhisaan dowlad hal dhinac ah iyagoo taageero ka helaya Xisbiga Socialdemokraterna.

Stefan ayaa dhanka kale digniintiisa ku sheegay in Alliancen ay halis ugu jiraan in ay noqdaan kuwa ku tiirsan Xibiga SD taasi oo keni karta in la dhiso Nazis.

isagoo hadalka sii wato ayuu ku celiyay in ay jirto Wal wal ku aadan Xisbiga SD in uu Helo awood dheeri ah oo dowlada Mustaqbalka dhismeysa.

Waxa uu celiyay in Marna uusan Xisbiga Socialdemokraterna taageereenin Xisbi kamid ah kuwa Alliancen.

Maxay tahay Arimaha ugu muhiimsan ee Khilaafka.

Xisbiyada Rödgröna Madoonayaan Xisbiga SD mana isku filna si ay dowlada u hogaamiyaan kuwa Alliancen Madoonayaan SD mana dhisi karaan Dowlada kaligood ah.

Marka ay halkaasi taagantahay Alliancen waxay u baahanyihiin Codka Socialdemokraterna si ay dowlada u dhisaan waayo hadii SD ay taageero ka helaan waxay noqoneysaa in dowlada ka mid noqdaan waana mida aysan rabin.

Dhanka Socialdemokraterna ayaa lamid ah oo aan rabin dowlada ay qeyb ka tahay Xisbiga Cunsuriga ee sverigedomokrterna taasi ayaa ay sababta keentay khilaafka dheer.

ugu danbeyn Socialdemokraterna ayaa raba dowlada guud oo xisbi walbo ku jira madama ay awooda isku mid tahay lakin taasi badalkeeda Alliancen ayaa raba dowlad ay hogaaminayaan iyagoo taageero ka haleya Socialdemokraterna taasina ma dhaceyso.

Hadii ay heshiis dhab ah la imaan waayaan waxay noqon kartaa in doorasho cusub lasoo bilaabo ama ay kala doortaan SD iyo S.

Maalinta Khamiista ee nagu soo wajahan ayaa la filayaa in kulanka Barlamaanka markale lasoo fadhiisto iyadoo la dooranayo Raisal wasaare Cusub.

Wixii ku soo kordha Somaliska kala Soco

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here