Home Wararka Maanta Hay.ada Qaxootiga Aduunka oo Norway ka dalbatay in dib u dajin u...

Hay.ada Qaxootiga Aduunka oo Norway ka dalbatay in dib u dajin u sameyso 5,000 kun oo qaxooti ah.

0

Dowlada Norway ayaa laga codsaday sidii dib u dajin ugu sameyn laheyd ku dhawaad 5 kun oo qaxooti ah kuwaasi oo ku sugan Xaruumaha Qaxootiga ee Caalamka.

Hay.ada UNHCR ayaa dowlada Norway ka dalbatay sidii Qaxooti uga soo qaadan laheyd Wadanka Gariiga oo ku suganyihiin qaxooti badan.

Waxay Hay.ada sheegtay in Dowlada Norway ay awood u leedahay soo qaadashada qaxootiga madama ay hoos u dhigtay qaabilaada qaxootiga isla markana firaaqo noqdeen xaruumaha loogu tala galay qaxootiga.

ku dhawaad 1000 qof oo qaxooti ah ayaa laga dalbaday Norway in ay kasoo qaadato wadanka Gariiga oo qaxooti badan ku dhibanyihiin.

raisal wasaaraha Norway ayaa la filaya in ay soo bandhigto qarashka dowlada ugu tala gashay miisaaniyada sanadka 2019 sida lacagta dowlada ee dhanka Qaxootiga.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here