Home News in English Dhanka Barlamaanka Isbadal ku imaan kara Sharciyada Qaabilaada Qaxootiga Sweden.

Dhanka Barlamaanka Isbadal ku imaan kara Sharciyada Qaabilaada Qaxootiga Sweden.

0

Dowlada Sweden Ayaa sanadkii 2015 bilowday sharciyo lagu adkeenayo qaxootiga Dalka kadib markii qaxooti badan dalka soo gaareen.

Sharciyada ayaa ku eg sanadka 2019 waxana dalka ka dhacday doorasho cusub taasi oo ilaa hada la ogaamin cida sida rasmiga u hogaamineysa Dalka.

Sharciyadaasi ayaana la filayaa in ay sii adkaadaan hadii Xisbiyada isbaheystay ee Alliancen ay ku guuleestaan doorashada madama dhoor jeer warbaahinta ka sheegeen in sharciyada hada la siiwadayo.

Dhanka Xisbiga Socialdemokraterna ayaa dhankiisa sii wadaya sharciyada hada ee Barlamaanka horay u ansixiyay isagoo warbaahinta ka sheegay in ay siiwadayaan kuwa maanta jira inta isbadal dhab ah uu ka dhacayo dhanka yurub.

Socialdemokraterna hadii uu soo laabto waxaa dhici karta in ay soo baxan sharciyo fududeenaya xaalada qaxootiga sida sharciga dhawaan barlamaanka ansixiyay ee sharciyada lagu siinayo kuwa gaaray waxbarashada heerka sare.

Lasoco Sharciyada isbadali kara.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here