Home Wararka Maanta Nin xalay lagu toogtay Magaalada Göteborg ee wadanka Sweden.

Nin xalay lagu toogtay Magaalada Göteborg ee wadanka Sweden.

0

Xalay Fiidnimadii waxaa nin lagu toogtay Caasimada Götenborg kaasi oo u dhintay toogashada loo geestay.

Weerarka ayaa ka dhacay nawaaxiga xaafada Biskopsgården waxana dadka deegaanka ay maqleen dhoor rasaas marka uu falka dhacayay.

Weerarka marka uu dhacay kadib waxaa goobta ka baxday gaari kaasi oo la aaminsan yahay in uu ka danbeeyay weerarka.

Isbuucan gudihiisa waxaa Koonfurta Sweden ka dhacday dhoor toogasho labo toogasho ayaa dhacday talaadadii lasoo dhaafay kuwaasi oo ka dhacay magaalada Örebro..

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here