Home Wararka Maanta Malmö Booliska oo raadinaya Muuqaal laga duubay 21 sano jir lagu dilay...

Malmö Booliska oo raadinaya Muuqaal laga duubay 21 sano jir lagu dilay magaaladaasi.

0

4 bishan Septemper waxaa magaalada Malmö lagu dilay wiil 21 sano jir ah kaasi oo dhoor rasaas lagu dhuftay waxana dilkiisa laga duubay muuqaal.

Booliska ayaa sheegay in dadka qaarkood ay mobilekooda ku duubeen film ku aadan qofkaasi la dilay waxana ay sheegeen in muuqaalkaasi uu muhiim u yahay dhacdadan.

Peter Hansson oo ka tirsan booliska ayaa intaasi ku daray in ay doonayaan qof qaaday muuqaalka dhacdadaasi ama qof yaqaano qofka xiligaasi duubay muuqaalka oo qaarkood lagu baahiyay dhanka internetka.

weerarkaasi ayaa ka dhacay nawaaxiga Docentgatan ee degmada Hermodsda waana dilkii labaad iyadoo 2 February isla xaafadaasi lagu toogtay 30 sano jir dilkaasi oo loo qabtay labo qof markii danbe.

Magaalada Malmö ee caasimada sadaxaad ee sweden ayaa kamid ah meelaha sida aadka uga dhacaan weerarada ay isku geestaan kooxaha gangiska oo dhexdooda dilka isku geesta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here