Home News in English Nyköping Xisbiyada oo Migrationsverket ugu baaqay in Shaqada laga joojiyo Jessica Ohlsson.

Nyköping Xisbiyada oo Migrationsverket ugu baaqay in Shaqada laga joojiyo Jessica Ohlsson.

0

Magaalada Nyköping Xisbiyada Dalka sweden ee ku jira kamuunkaasi ayaa Laanta socdaalka Sweden ee Migrationsverket ugu baaqay in shaqada laga joojiyo Jessica Ohlsson.

Jessica Ohlsson oo wakiil uga ah laanta socdaalka sweden magaalada Nyköping ayaa ah siyaasi ka tirsan Xisbiga AFS ee midig fog kaasi oo aamisan in qaxooti badan ay ku sugan yihiin dalka.

Xisbiga ayaana doonaya in qaxootiga lagu celiyo dalalkooda waxana arintaasi keentay in xisbiyada kamuunkaasi ka shakiyaan shaqada Jessica Ohlsson ay ka heyso laanta socdaalka.

Jessica Ohlsson oo ka hadashey shaqadeeda ayaa ku celisay dhoor jeer in aragtideeda siyaasadeed aysan saameyn ku yeelan karin shaqadeeda.

Jessica Ohlsson oo ku shaqeysa Xirfada Looyarnimo ayaa heysa ku dhawaad 27 qof oo qaxooti ah waxana 13 kamid ah ay heleen diidmo lakin waxay sheegtay in ay raaceyso sharciyada Sweden ee dhanka qaxootiga u dagsan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here