Home Wararka Maanta Norway Nin asal ahaan Qaxooti ahaa oo Labo Qof ku dilay magaalada...

Norway Nin asal ahaan Qaxooti ahaa oo Labo Qof ku dilay magaalada trondheim.

0

habeenkii xalay waxaa dhacdo xanuun badan ka dhacday magaalada trondheim ee norway halkaasi oo lagu dilay labo wiil oo kasoo jeeda Dalka Afganistan.

ninka geestay weerarkaasi ayaa isagana waxa uu kasoo jeeday Dalka afganistan isagoo isla goobta ku dhaawacay qofk kale kaasi oo dhaawac ahaa loo qaaday.

abaaro 18:00 ee habeenki isniinta ayuu digniinta u horeysa soo gaaray booliska markaasi oo goobta loogu tagay labada qof ee dhimatay midkooda oo dhaawac halis ah iyo midka kale oo dhintay waxana kan dhaawaca loo qaaday isbitaalka halkaasi oo uu ku dhintay sida uu sheegay Anders Sunde Eidem oo ka tirsan booliska magaalada.

Afarta qof ayaa lagu sheegay in dhoor sano kahor qaxooti ahaan iskaga dhiibeen dalkaasi iyadoo labo kamid ah ay isku xaafad daganaayeen marka uu falka dhacay.

Weerarka kadib booliska oo goobta gaaray ayaa gacanta ku dhigay qofka dhibaatada geestay iyagoo dhaawacay kadib markii uu diiday in uu isdhiibo.

labada qof ee dilka loo geestay ayaa lagu kala magacaabaa Nasratullah Hashimi oo 19 sano jir ah iyo Reza Alizada oo 17 sano jir ah.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here