Home News in English Stefan Löfven oo ka hadlay Natiijada Barlamaanka ee lagu dhawaaqay isagoo ku...

Stefan Löfven oo ka hadlay Natiijada Barlamaanka ee lagu dhawaaqay isagoo ku baaqay dhismaha Dowlad Wadajir..

0

kadib markii la dhameeyey codadka laga dhiibtay ku dhawaad 6,325 dagmo waxaa lagu dhawaaqay shalay codadka rasmiga ee xisbiyada ku leeyihiin dhanka barlamaanka.

Natiijada rasmiga ee Xisbiyada ayaana waxba iska badalin natiijadii hore ee lagu dhawaaqay taasi oo ka dhigan in wali aan la cadeen karin mustaqbalka dowlada hogaamineysa Sweden.

Rödgröna ayaa helay 144 mandates, halka kuwa Alliance ay heleen 143 Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa helay 62 kursi.

Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ayaa ka hadlay natiijada soo baxday ee gudiga doorashada ku dhawaaqeen isagoo ka dhiibtay fakarkiisa ku aadan natiijada.

Löfen waxa uu sheegay in xisbigiisa uu yahay midka ugu weyn codadka doorashada lakin xalka ugu weyn ayuu ku sheegay in la burburiyo isbaheysiga xisbiyada si loo dhiso dowlada wada jir ah.

Waxa uu intaasi ku daray in xisbi walbo ay masuuliyad ka saarantahay uuna xisbigiisa ka ka dhex muuqan karo siyaasada hadii si wadajir ah loo dhiso dowlada guud wadankana horay loo socodsiiyo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here