Home News in English Leila Ali Elmi oo ku guuleesatay Xildhibaanimada Kursiga Xisbiga Miljöpart ee Caasimada...

Leila Ali Elmi oo ku guuleesatay Xildhibaanimada Kursiga Xisbiga Miljöpart ee Caasimada Götenborg..

0

mid kamid ah Musharixiinta Somaliyed ee ku jiray doorashada Sweden isla markana matalayay xisbiga Miljöpartiet ayaa gaartay guul taariikhi ah.

Leila Ali Elmi ayaa ku guuleesatay mid kamid ah labada kursi ee xisbigaasi ku leeyahay caasimada labaad ee Götenborg iyadoo mataleysa xisbiga Miljöpartiet.

Codkii ay  Leila ka heshay magaalada Gothenburg ayaa Leila kasoo qaaday booska 21`aad ee liiska musharaxiinta xisbiga ee baarlamaanka qaranka , waxaana uu codkaasi suurtogeliyey iney Leila noqoto NR ONE! Kuna guuleysatay xubin xildhibanimo heer qaran Sweden- Waxaa ay Leila fariisan doontaa baarlamaanka qaranka Sweden ( Riksdagen) oo ah hay`ada sharci dejinta ee ugu saraysa dalka sweden.

Ololaha Leila iyo Team Leila ayaa noqday mid guuleystey, dalka oo dhana laga hadal hayo.Wargeyska GP  ee kasoo baxa magaalada Göteborg ayaa qaabka loo meelmariyey ololaha Leila ku tilmaamay mid si wacan loo agaasimey oo lagu guuleystey.

Guusha Leila ayaa waxaa ay kor u qaadi doontaa magaca guud ee soomaalida iyo guud ahaan ajaaniibta,gaar ahaan waxaa si toos ah u muuqan doona  kaalinta waxtar iyo howl karnimada hablaha soomaaliyeed.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here