Home News in English ku dhawaaqista natiijada Doorashada Sweden oo markale dib ugu dhacday maalinta..

ku dhawaaqista natiijada Doorashada Sweden oo markale dib ugu dhacday maalinta..

0

doorashada sweden aya markale dib u dhaceysa waqtigii loogu tala galay oo aheyn maanta oo jimcaha ah.

Sida uu sheegay gudiga doorashada tirinta codadka ayaa badankeeda lasoo dhameeyay waxana dheeraaday oo kaliya caasimada waaweyn.

Anna Nyqvist oo ka tirsan maamulka doorashada ayaa wakaalada Wararka Ekot u sheegtay in natiijada doorashada sweden lagu dhawaaqayo maalinta Axada ugu danbeyn.

Xisbiyada ayaa kala heesta kuraasta barlamaanka 144 iyo 143 taasi halka kuwa Sverigedemokraterna ay wali heestaan kaalinta sadaxaad ee kuraasta barlamaanka.

Codadka u danbeeyay ee la tiriyay ayaa muujinaya in uu ku gacan sareeyo xisbiga Socialdemokraterna kaasi oo kuraasta barlamaanka ku heesta 100 kursi.

Waa kuwan Kuraasta Xisbiyada ku leeyihiin Barlamaanka.

Socialdemokraterna 100 kuraas.
Moderaterna 70 kuraas.
Sverigedemokraterna 62 kuraas.
Centerpartiet 31 kuraas.
Vänsterpartiet 28 kuraas.
Kristdemokraterna 22 kuraas.
Liberalerna 20 kuraas.
Miljöpartiet 16 kuraas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here