Home News in English Norway oo Somalida heesta basaboorka Buluuga ku amartay qadashada Midka Somaliga..

Norway oo Somalida heesta basaboorka Buluuga ku amartay qadashada Midka Somaliga..

0

War kasoo baxay hay.ada laanta socdaalka Dalka Norway ayaa somalida wadankaasi qaarkood lagu amray in ay qaataan basaboorka somaliga oo dhawaan ay aqoonsatay dowlada dalkaan.

Dadka lagu amray qaadashada basaboorka ayaa ah kuwa heesta sharciga daganaanshaha ee horay u sameestay basaboorka socdaalka ee ( resedokument).

Dadka heesta sharciga daganaanshaha ayaa loo kala saaray labo nuuc.

Tusaale dadka heesta bababoorka baluuga ee dalka laga siiyay magangalyada ayaa lagu amray in ay tagaan xaruumaha ugu dhow ee dowlada somaliya ku leedahay safaarad tusaale Taliyaaniga iyo Beljimka si ay u qaataan midka somaliga.

Hay.ada laanta socdaaalka ee Dalkani oo loo yaqaano UDi ayaa dhanka kale dadka uu hada ka dhacaayo Basaboorka dalkaasi nuuca baluuga ku wargalisay in ay doontaan basaboorka somaliga si safarada ay u baxayaan u isticmaalaan midkaasi.

Dadka heesta Basaboorka nuuca cagaarka ee qaxootiga ayaa loo sheegay in aan looga baahneen qaadashada basaboorka somaliga iyagoo heysan kara kooda cagaaran.

Caruurta ku dhashay dalka norway ee waalidkooda heestaan basaboorka Baluuga ayaa iyaguna qaadanaya midka somaliga halka dadka loo dacwooday ee la aqbalay dacwadooda ay ku soo safrayaan midka somaliga.

Bisha Aguest ee sanadka danbe ayaa guud ahaan la joojinayaan in la cusboneysiiyo basaboorka baluuga iyadoo dadka hada xareestay la siinayo mid la isticmaali karo labo safar oo kaliya.

Arintaasi ayaa jahwareer ku abuurtay somali badan oo dalkani ku nool kuwaasi oo heesta sharciga dalkan ee baluuga ayaa dhanka kale qasab waxay ku tahay qaadashada midka somaliga hadii ay safrayaan.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here