Home News in English Maxaa ku soo kordhay Doorashada Sweden oo lagu dhawaaqayo maalinta.

Maxaa ku soo kordhay Doorashada Sweden oo lagu dhawaaqayo maalinta.

0

waxaa socota tirinta codadka doorashada sweden oo badankeeda lasoo afjaray waxana hada haray codadka dadka ku sugan dalka dibadiisa oo la filayo in maalinta arbacada lasoo dhameeyo ugu danbeyn.

Codadka la tiriyay ayaana si toos ah loogu dhawaaqidoonaa maalinta Arbacada madama codadka horay loo helay ay yihiin kuwa isku mid ah.

Wararka dheeraadka ee doorashada.

Madama la sugayo waqtiga ku dhawaaqista doorashada waxaa dhanka kale muuqata in xisbiyada isbaheestay ay yihiin kuwa isku mid ah dhanka doorashada tusaale kuwa Rödgröna ayaa heesta 144 halka kuwa kale ee Alliansen ay heestaan 142.

Tirada ayaana ka dhigan kuwa iska agdhow oo keeni karta in la dhiso dowlada wadajir ah si hogaanka dalka uu u qabto mid kamid ah xisbiyadaasi.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaana helay fursad uu garab ku siinkaro xisbiyada Alliansen isagoo durba u diray codsi inkastoo aysan kasoo jawaabin codsigaasi.

Madaxda saxaafada ee xisbiga Sverigedemokraterna Henrik Vinge ayaa warbaahinta u sheegay in xisbiyada isbaheestay ay u baahanyihiin codadka xisbigooda si meesha looga saaro Stefan löfen.

Hadii kuwa Alliansen ay aqbalaan codsiga Sverigedemokraterna waxay ka dhigantahay in xisbigaasi uu awood ku yeesho dhanka barlamaanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here