Home Wararka Maanta Habeenkii xalay oo lagu gubay 13 Gaari Magaalada Västerås ee Dalka Sweden..

Habeenkii xalay oo lagu gubay 13 Gaari Magaalada Västerås ee Dalka Sweden..

0

inta lagu guda jiray xalay saqdii dhexe ayaa la gubay dhoor gaari oo taalay goob la dhigto gawaarida oo ku taalla magaalada Västerås.

Tirada Gawaarida la gubay ayaa guud ahaan ah 13 gaari waxana lagu gubay 5 meel oo kala duwan sida uu booliska sheegay.

Gawaarida la gubay ayaa yaalay badankooda wadada Gjutjärnsgatan ee Västerås sida uu sheegay booliska.

Jonas Lindgren oo u hadlay booliska ayaa sheegay in dhoor meel lagu gubay gawaarida lakin aysan garaneyn hadii uu xariir ka dhaxeeyo dadkaasi gubay.

waxa uu intaasi ku daray in ilaa hada aysan jirin cid loo soo qabtay gawaarida la gubay lakin ay wadaan baaritaan.

Sweden ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa lagu gubay gawaari badan kuwaasi oo badankooda ka dhacay Caasimada Gotenburg.

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here