Home Wararka Maanta Doorashada Barlamaanka Sweden Imisa Musharax oo Somali ah ayaa u tartameysa..

Doorashada Barlamaanka Sweden Imisa Musharax oo Somali ah ayaa u tartameysa..

0

Ugu yaraan seddex murashax oo Soomaali ah ayaa u tartamaya xildhibaannimada Baarlamaanka Sweden, doorashada dalkaas ka dhici doonta 9 Siteembar 2018.

Laba ka mid ah waxay ka wada tirsan yihiin xisbiga talada haya ee Social Democrats, waxayna ka ololaynayaan magaalada caasimadda ah ee Stockholm.

Tiro ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Sweden, sida ay sheegayso tirokoob la sameeyey 2016.

Maxamed Nuur iyo Barni Nuur waxay ka mid yihiin Soomaalida dalkaas muddada dheer degganaa, haatanna u taagan xildhibaannada baarlamaanka.

Codadka ay ku xisaabtamayaan waxay ka doonayaan intooda badan Soomaalida ku nool Sweden ee xaqa u leh inay codeeyaan.

Wuxuu Sweden deggan yahay 20 sano, siyaasadda wuxuu soo galay muddo 5 sano ku dhow.

Degmada uu ku soo koray ayuu xisbiga Social Democrats guddoomiye uga ahaa.

Barni Nuur Waxay degganayd Sweden muddo ku dhow 33 sano Siyaasadda kuma jirin, laakin waxay ahayd shaqaale dawladeed muddadii 15ka sano ahayd ee u dambaysay.

Waxay xubin ka ahayd guddiga xisbiga ee xaafaddeeda, oo ay si mutadawacnimo ah ugu shaqaynaysay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here