Home News in English Norway Tirada Somalida laga ceshtay Sharciga Dalka Norway oo lasoo bandhigay..

Norway Tirada Somalida laga ceshtay Sharciga Dalka Norway oo lasoo bandhigay..

0

Iyadoo Dowlada Norway gaar ahaan laanta Socdaalka Dalka Norway ee UDI shaacisay qiimeyn ay ku sameeneyso 1400 kun oo Qaxooti heesta daganaanshaha Dalkaasi ayaa wargeys kasoo baxa Dalkaasi waxa uu shaaciyay tirada sharciga laga ceshtay tan iyo xiligaasi.

Ku dhawaad 41 qof ayaa lagu sheegay in laanta Socdaalka Norway kala noqotay Sharciga sida uu shaaciyay wargeyska VÃ¥rdland oo kasoo baxa norway.

Wargeyska ayaa dhanka kale sheegay in 200 qof oo kiiskooda lagu laabtay isla markana qiimeyn lagu sameeyay ay Ha.ada dib ugu soo celisay sharciga kadib markii la xaqiijiyay in wali u baahanyihiin magangalyo.

Dhanka kale ku dhawaad 22 qof oo loo diray digniin sharciga looga ceshanayo ayaa dib loogu soo celiyay sharcigooda inkastoo aan la cadeen sababta.

Dadka ugu badan ee laga ceshtay Sharciga ayaa kasoo jeeda Magaalada Muqdisho ama isku dhiibay inkastoo hay.ada u dooda dhanka Qaxootiga ay ku doodayaan in amaanka Muqdisho uu wali halis yahay oo aan leesku haleen karin.

Dowlada Norway ayaa sanadihii ugu danbeeyay bilowday Qaab sharciga daganaanshaha looga ceshanayo qaxootiga Dalka ku sugan oo Somalida ku jirto taasi oo dhalisay saameyn xoogan.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here