Home Wararka Maanta Wiil Somali ah oo toorey ku dilay Dhaqtar u dhashay Dalka Germalka..

Wiil Somali ah oo toorey ku dilay Dhaqtar u dhashay Dalka Germalka..

0

Muwaadin Somaliyed oo ku nool dalka Jarmalka ayaa tooreey ku dilay nin Dhaqtar ahaa kadib markii uu ku weeraray goobtiisa caafimaad.

Muwaadinka Somaliyed ee falkaan naxdinta leh geystay ayaa sidoo kale la sheegay in Gabar uu dhalay Dhaqtarka uu tooreeyda ku dilay oo ah 10 sano jir uu ku qasbay inay daawato qaabka uu Aabeheed tooreeyda ugu dilayay.

Wiilka Somaliga ah ee falka weerarka ah geystay isla markaana Dhaqtarka ku dilay tooreeyda ayaa da’diisa lagu sheegay 26 sano jir waxana la tilmaamay in Dhaqtarka uu ku beegsaday qolka qalliinka isagoo aanan la laheyn wax ballan ah.

Dhaqtarka tooreeyda lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Joachim T waxana uu u geeriyooday dhaawacyadii tooreeyda wax yar kadib.

Muwaadinka Somaliyeed ayaa sidoo kale la sheegay inuu weeraray isla markaana uu dhaawacay qof caawiye ka ahaa xarun caafimaad oo lagu magacaabo Elke D isagoona goobta ka baxsaday.

Booliiska oo wax yar kadib gaaray goobta uu ka dhacay fal dambiyeedka ayaa ka helay tooreeydii uu ninka Somaliga ah u adeegsaday dilka Dhaqtar-ka iyo dhaawaca qofka kale.

Baaritaan ay booliiska sameeyeen isla markaana ay ka qeyb qaateen gaadiidka booliiska , diyaarad Helicopter ah iyo Eeyo tababaran ayaa lagu soo qabtay dambiilaha kaasoo xabsiga loo dhaadhiciyay.

Booliiska ayaa sheegay in dambiilaha uu yahay magangalyo doon dalka Jarmalka soo galay sanadkii 2015-kii isla markaana la siiyay warqad deganaasho oo uu ugu noolaan karo deegaanka Offenberg.

Johanna Skopp, oo ku nool qeybta saree e dhismaha uu dilka ka dhacay ayaa u sheegtay tabloid Bild inay qeylo ka maqashay qol kahooseeya kahor inta aysan maqlin gabadha uu dhalay Dhaqtarka la dilay o oleh Aabo, Aabo dhowr jeer.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here