Home Wararka Maanta Ilhaan Omar oo guul ka gaartay Doorashada Dalka Mareykanka loogu soo baxay..

Ilhaan Omar oo guul ka gaartay Doorashada Dalka Mareykanka loogu soo baxay..

0

Muwaadiniin asalkoodu Soomaali yahay balsa heesta dhalashada dalka Mareykanka ayaa guulo waa weyn waxa ay ka gaareen doorasho ka dhacday Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ilhan Omar oo horey uga mid aheyd Congresska Mareykanka ayaa xalay ku guuleesatay in ay noqoto Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee Congreska , waxa ayna heshay codad gaaraya 59,322, taasoo u dhigan 48.1%.

Gabadhan asalkeedu Soomaaliga yahay ayaa ku dhaw in ay noqoto qofkii u horeeyay Somali Mareykan ah oo ku ku guuleysata kursiga Congresska, waxaana doorashada kursigan la qaban doonaa bisha November ee sanadkan.

Hodan Xasan oo iyana ah gabar Soomaali Mareykan ah ayaa ku guuleesatay golaha Congresska ee Gobolka Minnesota, waxa ayna gabadhan Soomaaliyeed ka guuleesatay musharaxiin kale oo tartan adag la galay.

Sidoo kale Maxamuud Nuur ayaa isna ku guuleestay in uu kamid noqdo Aqalka Baarlamaanka Gobolka Minnesota, waxaana kursigan horey ugu fadhisay Ilhan Omar oo hada u tartameysa in ay kamid noqoto Congareeska Mareykanka.

Soomaalida kunool Mareykanka gaar ahaan Minnisota ayaa u muuqda kuwa saameyn badan kusii yeelanaya siyaasada dalka Mareykanka, waxaana guushan ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka gaareen Doorashada Minnisota noqotay mid si weyn loo soo dhaweeyay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here