Home Wararka Maanta Dadka Sweden ku cusub qaarkood oo danbi loo galiyay qaab cusub..

Dadka Sweden ku cusub qaarkood oo danbi loo galiyay qaab cusub..

0

dad ku sugan dalka sweden ayaa bilaabay in qaab cusub ay danbi u galiyaan dadka ku cusub dalka kuwaasi oo aan ogeen ama markaasi ka warheenin danbigaasi.

Dadkani ayaa qaab layaab ah danbi u galinaya dadka cusub iyagoo warqado ku soo qoraya magacyadooda kuna sheegaya in ay leeyihiin shirkado.

Dadka lagu sheegay in ay leeyihiin shirkado ayaa kadib waxaa magacyadooda lagu furtay bankiyo halkaasi oo lagu qaatay lacago badan oo dhibaato dhaqaalo ku ah sida ay sheegtay enrik Lundin oo dowlada u hadashay.

sida uu sheegay atrik Lillqvist. oo booliska ka tirsan dadka qaarkood ayaa ka warhaya in ay caawinayaan kooxahan danbiilayaasha.

” dadka qaarkood ma oga in ay sameenayaan wax qalad ah oo ay ku caawinayaan danbiilayaal waxay ka helaan lacag iyagoo sheegaya in aysan halis ku jirin” Atrik ayaa intaasi ku daray.

Sweden ayaa dhoor jeer digniin laga soo saaraa kooxaha sida aadka u isticmaala Bank ID dadka kale iyagoo kala baxa lacagta ugu jirta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here