Home News in English Wasiirka Socdaalka Sweden oo la Waydiiyay go.anka Maxkamadaha ku diideen sharciga Dhalinyarada...

Wasiirka Socdaalka Sweden oo la Waydiiyay go.anka Maxkamadaha ku diideen sharciga Dhalinyarada ee Dugsiga Sare..

0

Dood ayaa wali ka taagan Sharciga waxbarashada Dugsiga sare oo dhawaan Barlamaanka Ansixiyay lakin Maxkamadaha Dalka ay diideen.

Sharciga ayaa lagu heestaa in uu ku jiro Daloolo badan ama Shaki badan isla markana uusan ku habooneen sweden.

Wasiirka Socdaalka Heléne Fritzon ayaa dhoor su.aal laga waydiiyay Sharcigan oo fursad siinaya 9000 kun oo dhalinyaro ah kuwaasi oo u badan Afganistan.

Anders Hagsgård  oo ah Madaxa Maamulka ee Maxkamada Gothenburg ayaa qaba su.aalo ah in Naceybka Sharcigan uu ka dhashay labo arimood.

Arinta hore ayuu ku sheegay in Nadaamka Sharci dajinta in uusan raaci karin Sharcigan iyo in Sharciga Midowga Yurub uusa  Waafaqsaneen.

Sharcigan oo ka bilowday Xaruunta Laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverketka ayaa la hakiyay kadib markii Labo kamid ah Afarta Maxkamad ee ugu sareesa Dalka ay diideen Halka Xisbiyada Dalka ay kasoo horjeesteen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here