Home Wararka Maanta Wasiirka Arimaha Gudaha Germalka oo lagu qasbayo in uu iscasilo Hadalkii uu...

Wasiirka Arimaha Gudaha Germalka oo lagu qasbayo in uu iscasilo Hadalkii uu Qaxootiga ka sheegay awgeed..

0

Wasiirka oo lagu magacaabo Horst Seehoferayaa qarka u saaran in shaqada laga cayriyo, kadib, markii uu hadal jeesjees ah sheegay markii la soo gaarsiiyey in Magan-gelyo-doon  u dhashay dalka Afganitan oo ka mid ahaa 69 qof oo laga masaafuriyey Jarmalka  is-daldalay markii lagu celiyey dalkiisa hooyo.

Wasiirka oo 69-sanno jirsaday maalintii ku xigtay markii uu Dhibanahaasi is-dilay ayaa u qaatay warkaasi naxrdita lahaa inay tahay Hadiyadda Maalinta Dhalashadiisa.

Marxuumka is-daldalay waxaa la oran jirey Jamaal Naasir Maxamuudi, oo 23-jir ah, kaasi oo Talaadadii la soo dhaafay isku daldalay

Xubnaha Dowladda Jarmalka ee Isbahaysiga ah iyo Mudanayaasha Barlamaanka dalkaasi waxay ugu baaqeen Ra’isul-wasaare Angela Merkel inay Wasiirkaasi xilka ka qaado.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here