Home News in English Wasiirka Arimaha Gudaha Germalka oo isku Casilay in Qaxootiga la adkeeyo Awgeed..

Wasiirka Arimaha Gudaha Germalka oo isku Casilay in Qaxootiga la adkeeyo Awgeed..

0

Wadamada Midowga Yurub gaar ahaan kuwooda ku feecan qaabilaada Qaxootiga ayaa hada u muuqda mid kasoo horjeesaanaya Qaabilada Qaxootiga.

Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Germalka ayaa iska Casilay xilkiisa sababo la xiriira siyaasada Qaxootiga ee Germalka.

Horst Seehofer ayaa Qilaaf xoogan waxa uu kala dhashay raisal wasaaraha Dalkaasi Germalka Angela Merkel taasi oo dhanka Qaxootiga taageersan.

Wasiirka iscasilay ayaa doonaya in La adkeeyo hanaanka Qaxooti qaabilaada Germalka iyo in Laxiro Xaduudaha Dalkaasi uu la wadaago wadamada yurub.

Angela Merkel ayaa dhankeeda dooneysa in dhibaatada qaxootiga laga gaaro Xal halkii qaxootiga lagu adkeen lahaa Sharciga Dalka.

Xaalada Midowga Yurub ayaa adkaatay kadib markii Xisbi Xagjir ah uu la wareegay talada Dalka Taliyaaniga kaasi oo diiday Qaxootiga Dalkiisa soo galaya.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here