Home Wararka Maanta Wasiirada Arimaha Dibada Sweden oo la kulantay dhigeeda Somaliya..

Wasiirada Arimaha Dibada Sweden oo la kulantay dhigeeda Somaliya..

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Biljimka kula kulmay dhigiisa dalka Sweden Margot Wallström.

Kulanka ay qaateen labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale natiijooyinka laga filan karo in laga dhaxlo shirkii Arimaha Soomaaliya looga hadlayay ee ka dhacay Biljamka.

Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Sweden Margot Wallström, ayaa balan qaaday in dowladeeda ay xoojin doono taageerada ay siiso Soomaaliya, waxa ayna amaantay hormarada dowlada Soomaaliya gaartay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Dowlada Sweden ayaa door weyn ku laheyd shirkii arimaha Soomaaliya looga hadlayay ee ka dhacay dalka Biljamka, waxa ayna Sweden kamid tahay dowladaha taageerada siiya dowlada Federaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here