Home Wararka Maanta Qaranka Sweden oo guul ka gaaray Wadanka Switzerland Koobka Aduunka..

Qaranka Sweden oo guul ka gaaray Wadanka Switzerland Koobka Aduunka..

0

ciyaartan oo kamid ahayd kulamadii ugu adkaa ee laga ciyaaro koobka adduunka wareeggiisa 16-ka ayaa kusoo gabagaboowday waqtigii loogu talagalay guul ay gaareen xidigaha Sweden.

Ciyaarta aya kubilaabatay jawi dagan oo labada xulba ay kala waardiyeesanayeen shabaqa walow ay abuureen fursado gool noqon karay.

Kulanka ayaana qaybtiisii hore kusoo idlaaday barbaro goolal la’aan oo labada xul midkoodna gaarin shabaqa.

Balse markii la iskugu soo laabtay qaybtii danbe ayay wax walbaahi is baddaleen kadib marki ay xidigaha Sweden usuurta  gahshay in dhaliyaan goolka hore ciyaarta markaas oo daqiiqaddii 66-aad uu u saxiixay xidiga lagu magacaabo Frosberg kadib kubad uu laaday oo marki danbe kusii dhacaday mid kamida daafacyada Switzerland saasna kusii gashay shabaqa.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 1-0 oo ay guushu kuraacaday Sweden walow ay xidigaha Switzerland qaateen calaamadda casaanka daqiiqadihii u danbeeyay ee lagu daray 90-ka daqiiqo waxaana ka qaatay xidigooda M. Lang taas iyada ay Sweden wareegga sideedda iska xaadiriyeen iyaga oo sugi doona midkii usoo gudba wareeggan xulalka Colombia iyo England kuwaas oo caawa ciyaari doona ciyaar katirsan wareegga 16-ka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here