Home Wararka Maanta Germalka Nin Watay toorey oo weeraray Buss ay saaranyihiin dad badan..

Germalka Nin Watay toorey oo weeraray Buss ay saaranyihiin dad badan..

0

Nin ayaa middi ku weeraray dad saarnaa bas, magaalada ku taalla waqooyiga Jarmalka ee Luebeck, isagoo dhaawacay 14 qof oo 2 ka mid ah ay aad u liitaan,ka hor intii aysan boolisku xirin.

Booliska Schelswig-Holstein ayaa sheegay in cidna aan lagu dilin shilkaas,waxayna xaqiijiyeen in ninkaas ay gacanta ku hayaan. Wax faahfaahin ah ma aysan bixin.

“Qofka falka gaystay waxaa ka awood badiyey oo xiray booliska. Weli waxaan ku sugannahay goobta, halkaa ayaanan xaaladda ka soo tabinaynaa” ayuu boolisku ku qoray Twitter.

Wargayska Leubercker Nachrichten ayaa soo xigtay haweeneyda dacwad oogaha dawladda, Ulla Hingst, oo leh “ma jiraan wax la dhayalsan karo, xataa in ay arrintan argagixiso salka ku hayso”.

Waxay wargayska u sheegtay in weerarku dhacay 1.47 wakhtiga waddanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here