Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo dooneysa in ay Mamnuucdo Kooxaha Cunsuriyiita ee Dalka ka...

Dowlada Sweden oo dooneysa in ay Mamnuucdo Kooxaha Cunsuriyiita ee Dalka ka jira..

0

Dowlada Sweden ayaa dooneysa in ay joojiso kooxaha Cunsuriyiinta ee dalka ka jira sida kooxda NMR ee Naziyinta.

Go.anka Dowlada ayaa yimid kadib markii Kooxda Naziyiinta loo ogolaaday Barnaamijka Siyaasada ee Almedalen kaasi oo dad badan ka caroodeen.

Dad badan oo reer Sweden ayaa sidoo kale Cabsi ka qaba kooxdaasi Naaziyinta.

Wasiirka Cadaalada Sweden Morgan Johansson ayaa sheegay in Dowlada ay hada dooneyso sidii loo mamnuuci lahaa Ururada Cunsuriyiinta ee dalka ka jira.

” waxaan u maleenayaa in ay nagu filantahay in Kooxaha Naziyinta ay dadka Cabsi galiyaan waana in aan joojinaa arinkaasi ” sidaasi ayuu u sheegay wakaalada Wararka ee Ekot..

Hadii la mamnuuco Kooxda NMR waxay la dhigan tahay in aysan wadooyinka ku dhigi karin Babaanbaxyo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here