Home Wararka Maanta Dowlada Switzerland oo Hooyo Somaliyed ku fulisay Xukun adag Xili ay gudniin...

Dowlada Switzerland oo Hooyo Somaliyed ku fulisay Xukun adag Xili ay gudniin ku sameesay Caruurteda..

0

Maxkamad ku taalla dalkaasi waxaa la soo taagay Haween Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay 2 ka mid ah Gabdhaheeda ay  u kaxaysay Somalia iyo Ethiopia si ay ugu soo gudo Gudniinka Fircooniga ee FGM muddadii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2015-kii.

Haweeenydaasi oo ku nool magaalladda Neuchâtel ee qeybta Luqadda Faransiiska looga hadlo ee dalka Switzerland waxaa lagu xukumay xabsi 8 bilood ah, waana Xukunkii Koowaad ee dalkaaasi laga fuliyo, tan iyo markii Isbedelka lagu sameeyey Sharcigaas.

Dhinaca kale, Haweeneydaasi ayaa la sheegay inaysan  ku noolayn dalka Switzerland xilligii ay gabdhaheeda ku samaysay Gudniinka Fircooniga ee FGM.

Gabdhahaasi waxa ay da’dooda kala ahayd 6 sanno iyo bar jir iyo 7 jir markii lagu sameeyey Gudniinka Fircooniga (FGM)-ka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here