Home Wararka Maanta Wasiirada Dowlada Sweden oo aan tagidoonin Koobka Aduunka ee Ruushka..

Wasiirada Dowlada Sweden oo aan tagidoonin Koobka Aduunka ee Ruushka..

0

Waxaa lagu wadaa bisha June in Koobka aduunka uu ka furmo Dalka Ruushka halkaasi oo lagu balansanyahay.

Koobka waxaa ka qeyb galaya wadamo badan waxaana kamid ah wadanka Sweden hase yeeshee waxa uu maanta shaaciyay in masuul ka tirsan Dowlada in uusan tagidoonin ruushka.

Wasiirada Ciyaaraha iyo wasiiro kale ayaa lagu sheegay in ay joogidoonaan dalkooda halkii ay ka tagi lahaayeen Dalka Ruushka.

Annika Strandhäll ayaa warbaahinta u sheegtay sidan ” waxaan ka wal wal sanahay Xurnimo la.anta ka jirta Ruushka iyo Xuquuq la.anta ka jirta sidaasi darteed waxaan joogeenaa Dalkeena.

Wasiirada ayaa intaasi ku dartay in kulamada Sweden ay ka daawanayaan Talafashinada.

Hadalka Sweden ayaa imaanaya xili weerar loo adeegsaday sun uu ka dhacay Dalka Ingariiska kaasi oo ruushka lagu eedeeyay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here