Home Wararka Maanta Sawiro Dalka Mareykanka oo lagu dilay Hooyo Somaliyed oo 7 caruur heesata..

Sawiro Dalka Mareykanka oo lagu dilay Hooyo Somaliyed oo 7 caruur heesata..

0

Allaha U Naxariistee Luul Cali Guure oo 29-jir ahayd  ayaa ku geeriyootay shil gaari oo maalintii Sabtida ee isbuucan ka dhacay Koonfurta magaalladda BURLINGTON ee Gobalka VERMONT ee W/bari ee dalka Maraykanka.

Marxuumadda, Luul Cali Guure oo ahayd Hooyo 7 carruur leh ayaa la sheegay inay iska tuurtay gaari yar oo ay la socotay, xilli uu gaarigu ku dhacay gaari weyn.

Shabakadda Wararka ee sevendaysvt.com ayaa qortay in Marxuumadda ay la socotay gaari yar oo ay dareewal ka ahayd Haweeney Somali ah oo lagu magacaabo Sacdiyo Cali oo 29-jir ah, taasi oo la sheegay inay ka badbaaday shilka, inkastoo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Hadal qoraal oo ay Boliska Koonfurta Burlington soo saareen ayey ku sheegeen in gaariga ay Marxuumadda ku geeriyootay uu ku dhacay gaari weyn, kadibna uu ku sii dhacay  derbiga Waddo-lugeedka Laamiga iyo geed, ka hor inta uusan Gaarigu qalimin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here